Qurux waa diin

Qurux waa diin wacdi iyo waano like

16/08/2025

Imaaraadka markuu tababar kusiiyo 🤣🤣

06/06/2023

NASHIDO

WAA MAXAY ZAKAATU_ALFIDRZakaatul fidridu waa sadaqo waajib Ku ah qof kaste oo Muslims oo awooda .MAXAA LOO BAXSHAA?Zakaa...
16/04/2023

WAA MAXAY ZAKAATU_ALFIDR
Zakaatul fidridu waa sadaqo waajib Ku ah qof kaste oo Muslims oo awooda .

MAXAA LOO BAXSHAA?
Zakaatul fidridu waxay kadhigantaha SUJUUDU_SAHWI oo kale waxay kabtaa oo kobcisaa ajarka soonka .

MAXAA KUWAJIBAYA QOFKA AWOODA?
Qofka muslimkaa ee awooda waxaa waajib Ku ah inuu bixiyo hal kiilo oo bur ah ama biriis ama baasto ah Iyo wixii lamida.

LACAG MABIXIN KARAA?
Qofka lasiinayo zakatul fidrida waxaa ukala qaadaynaa :

1: Reer baadiye
Haduu yahay rer miyi waxaa lasuneeyaa inad siisid raashin

2: Reermagaal
Waxaa lasuneeyaa inaad siisid qiimaha rashinka
Sababtoo ah waxuu awoodi karaa inuu iibsado rashin bisil/diyarsan
hal solar Imad siisid Iyo inad hal kiilo Bura ad siisid waa isku mid lkn waxaa wanagsan qiimaha Imad siisid.

FG: maadama culimadu kukala arakti duwanyihiin in labixiyo qiimaha waxa wanagsan inaad lajan qadi kartid waxuu dorbidayo miskinka aad siinaysid

Mahadsanidiin

21/06/2022

Asc dhamaan umadda somaliyed

06/06/2022

Dhawaan waxad filataan GABAY cajiib ah

14/09/2021

Xilligii Cusmaaniyiinta ay dunida Islaamka ka talinayeen ayaa labo nin oo Turki ah waxey siyaaro u soo aadeen qabriga Sh C/qaadir Jaylaani oo reer Ciraaq ahaa. Jidkii ayey ka lumeen, nin ay salaadda wajigiisa ka muuqato, bashaash farax badana ah, afkana aan wardiga ka qaadin ayaa ku soo baxay. Waxey is yiraahdeen Ilaaheey ayaa idiin soo diray. Meel-dhexe markii ay marayaan ayaa la seexday, ninkii lacagtii iyo saadkii ay wateen ayuu ka xaday waana tegey. Sidii ay u baadi-goobayeen ayey ugu danbayn gacanta ku soo dhigeen, waxaa ku soo baxay booliskii, wuxuuna u geeyey qaaddigii deggaanka.

Qaaddigii ayaa tuuggii qol iskula xiray si uu su’aalo u waydiiyo. Qaaddigii oo qaylinaya ayaa soo baxay, labadii nin ayuu ku qayliyey, wuxuuna ku yiri waad masibadateen ninkan ee baxa taga. Nin wanaagsan oo reer Baqdaad ahaa oo arrinka kor kala socday ayaa tuuggii la faqay, wuu waaniyey, wuxuu ku yiri “Xoolaha xaaraanta ah iska celi, aniga dahab xalaal ah ku siinayee” laakiin tuuggii wuxuu yiri “War xoolo ma hayo ee ninka baliiska ah iyo qaaddiga way ii hanjabeen, haadii aan qirto in aan lacagta xadayna way i dilayaan, lacagtiina iyagaa qaybsaday”

Ninkii saalixa ahaa inta yaabay ayuu yiri ooraah caan baxday oo aheyd ;

‎حاميها حراميها

“Kii la raacshay ayaa lunsaday”

Ujeedo maxaad kafahanta qisadaan?

09/09/2021

TALOOYINKANI DAHAB CASCAS KA QAALISAN - SHARE DHEH
Rasuulka CSW ayaa isaga oo Cali Ibnu Abii Daalib la dardaarmaya ku yidhi.
( Caliyoow ha seexan habeenkii adiga oo aan 5 sameeyn)..
1. Adiga oo aan quraanka dhammaystirin.
2. Adiga oo aan 4000 oo dirham sadaqo ula bixin.
3. Adiga oo aan kacbada booqan.
4. Adiga oo aan xafidin meesha aad jannada kadegayso iyo
5. Adiga oo aan qancin kuwa ka soo horjeeda.Wuxuu ku dhahay
(Sidee ayay u suuragalaysa Rasuulkii ilaahayoow?)
Markaa wuxuu ku yidhi Rasuulku CSW:
1. Haddii aad akhrido 3 jeer ( ﺳﻮﺭﺓ ﺍﻹﺧﻼﺹ ) waxaad dhammaysay quraankii.
2. Haddii aad akhrido 3 jeer ( ﺳﻮﺭﺓ ﺍﻟﻔﺎﺗﺤﺔ ) waxaad sadaqaysatay 4000 oo dirham.
3. Haddii aad akhrido 10 jeer( ﻻ ﺍﻟﻪ ﺍﻻ ﺍﻟﻠﻪ ﻭﺣﺪﻩ ﻻ ﺷﺮﻳﻚ ﺍﻟﻠﻪ، ﻟﻪ ﺍﻟﻤﻠﻚ ﻭﻟﻪ ﺍﻟﺤﻤﺪ،ﻳﺤﻲ ﻭﻳﻤﻴﺖ ﻭﻫﻮ ﻋﻠﺊ ﻛﻞ ﺍﻟﺸﺊ ﺍﻟﻘﺪﻳﺮ ) waxaad booqatay kacbada.
4. Haddii aad akhrido 10 jeer( ﻻ ﺣﻮﻝ ﻭﻻ ﻗﻮﺓ ﺇﻻ ﺑﺎﻟﻠﻪ ﺍﻟﻌﻠﻲ ﺍﻟﻌﻈﻴﻢ ) waxaad xafiday/ilaalisay meesha aad jannadaka degi lahayd.
5. Haddii aad akhrido 10 jeer( ﺃﺳﺘﻐﻔﺮ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﻌﻈﻴﻢ , ﺃﻟﺬﻱ ﻻ ﺁﻟﻪ ﺇﻟﺊ ﻫﻮ ﺍﻟﺤﻲ ﺍﻟﻘﻴﻮﻡﻭﺃﺗﻮﺏ ﺍﻟﻴﻪ ) Waxaad qancisay kuwii ka soo horjeeday.

Hadaad Ka heshay kamid noqo asxaabteen
Sher/like/commen

09/09/2021

Waxaynu jecelnaha inaynu bilawno barnaamij ay ku dheehan tahay aqoon diineed iyo mid maadiyaba. wuxuuna ka waramayaa habkii islaamku xukunka isugu dhiibi jirey wakhtigii hore,iyo qaabka ay diinta islaamku ogoshahay in lagu doorto HOGAAMIYAHA DAL ISLAAMA, iyo qaab siyaasadeedka ay diinta islaamku ogoshahay,
Sidoo kale wuxuu ka waramayaa Dib u dhacsanaanta Dalalka Islaamka ee dhinacyada aqoonta ,tiknoolajiyada iyo maamul wanaaga,taasoo keentay in bulshada islaamku ka hadho horumarka caalamka ka jira hadda ,
iyadooay masuul ka yihiin dib dhacaasi hogaamiyayaasha dalalka islaamka hogaamiyaa.
Seed u araktaa taxanahaas muhiise waataha ma isleedaha waqtigaan?
mahadsanid

Address

Al Muqablain
CABUDWAAQCW

Telephone

+252685019065

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qurux waa diin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category