Fiiri

Fiiri Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Fiiri, Pub, Addis Ababa.

21/11/2024

Hadiithkan waxa uu leeyahay:

" *Qofka caaqilka ah* waa kan naftiisa xisaabiya, kana shaqeeya wixii ka dambeeya dhimashada. *Qofka caajiska ah* waa kan naftiisa raaciya hawadeeda (shucuurteeda ama damaceeda), kadibna ku tiirsada rajo been ah."**

Micnaha xadiiskan waa in qofka muslimka ah looga baahan yahay inuu si miyir leh u dhaqmo, naftiisana ula yimaado xisaab, kuna dadaalo samaynta camallo wanaagsan oo uu u diyaarsado *aakhiro* . Halka qofka aan dadaalka lahayn uu raaco damaciisa iyo rabitaankiisa oo kaliya, isagoo aan camal fiican samayn, Allena ka filanaya inuu wax walba u fududeeyo iyada oo aan juhdi la gelin.

الكَيِّس مَنْ دَانَ نَفْسَهُ، وَعَمِلَ لِما بَعْدَ الْموْتِ، وَالْعَاجِزُ مَنْ أَتْبَعَ نَفْسَه هَواهَا، وتمَنَّى عَلَى اللَّهِ
Ururka Samafalka ee Babul Khayr

09/10/2024
15/09/2024

Salaada munaafiqa 3 sifo ayay leedahay
°•°•°•°•°•°•°•°
1. Salaada ayuu wakhtigeeda ka dib dhigaa (الصلاة علا وقتها)
2. Wuxuu tukadaa salaad bila khushuuc ah
3. Adkaarta salaada ayuu yareeyaa

Salaadaadu hadday hagaagto wax wali uuku hagaagi balse salaadaadu hadday ka xumaato wax wali uuka xumani

Allaw salaada noo hagaaji aamiin

Follow for more 👇
👉 Ururka Samafalka ee Babul Khayr

30/08/2024

Bishaaro bisharo bishaaro dhamaab bulshada ree diri dhabe

Waxan ugu bisharaynaynaa culumada simaliyeed oo kusugan magaalada somaliyeed ee diri dhabe
Muxadarooyin kala duwana ku qaban doona mudadaas ay joogaan

Gaar ahaan sabtida bari waxay ku qaban doonan mucaadaro qiimi badan dugsiga ugas xassan 《Adhisu high school》 kasoo qayb gal wanaagsan

Sabtida Subaxa 9 - 11:30

Ururka Samafalka ee Babul Khayr

28/08/2024

Hal qodob oo faa iidada beerista dhirta ah noo reeb

Ururka Samafalka ee Babul Khayr

23/08/2024
19/08/2024

Nebigu wuxuu xanuunsanayey 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii isniinta ee uu maalin-keeda dhiman-doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

Rasuulku wuxuu u wacay Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii oo salaaddii ayuu ka bixiyay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay asxaabtii wuxuuna yiri: Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa cabsida illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan idin kaga tagayaa adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro.

Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa, illahay ayaa u wax-yooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: booqo xabiibkayga Muxammad (NNKH) uguna tag suurad wanaagsan una naxariiso marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin kana soo laabo.

Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin reer Baadiyo ah, wuxuuna yiri: Assalamu calaykum yaa rasuulalaah ma soo galaa? Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay Nafsadiisa! Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.

Rasuulka (NNKH) ayaa Faaduma ku yiri: Ma garanaysaa ninka? Faaduma waxay tiri: Maya, rasuulku wuxuu yiri: waa ninka kala geeya dadka is jecel, qaraabada guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoomeeya, naagahana carmal ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt.

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooyday, waxayna tiri: masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go’ayaa waxyigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kadibna maqli mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan isla kulmeyno, wuxuu kaloo rasuulku yiri: malakul Mowdow soo gal, wuuna soo galay malakulmowt, wuxuuna yiri. Assalamu calayka yaa rasuullulaah, rasuulkuna wuxuu yiri: wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta? Malakul-mowt wuxuu yiri: waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi-weydo waan iska noqonayaa! Rasuulku wuxuu yiri: Malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri: waxaan uga soo tagay samada adduunyada, isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri: waan ogahay rasuulkii Illaahayow. Rasuulku wuxuu yiri: iigu bishaare illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama iyo wanaag ah.

Malakul-jibriil wuxuu yiri: albaabada samada waa la wada furay, malaaigtii illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay. Rasuulku wuxuu yiri: iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?.

Malakul-jibriil wuxuu yiri: waxaan kuugu bishaaraynayaa illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay ambiyada illaa Nabi Muxammad (NNKH) galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan. Rasuulkuna wuxuu yiri: hadda ayuu wanaagsanaaday qalbigaygu, igana baxday murugtii. Rasuulku wuxuu yiri: Malakul-mowdow ii soo dhowow. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.

Rasuulku wuxuu yiri: maxaa darnaan badiyey xaraaradda xanuunka mowdka, wuxuu kaloo yiri: malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay eegitaanka wajigayga?. Malakul-jibriil wuxuu yiri: illaahay xabiibkiisiyow ayaa awood u leh inuu eego wajigaaga adigoo sakaraadaya. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: Nabigu markay naftu ka baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay gacmihiinu.
Rasuulkii illaahay wuxuu geeriyooday maalin isniin ah ee bisha Rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid.
Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii illaahay, Rasuulka waxaa dhaqay Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la kafanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu aasay gurigiisii ee qolka Caa’isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la aasay Suubanaha (NNKH.).

Salluu calal xabiib❤
Ururka Samafalka ee Babul Khayr

09/08/2024

Q1
Buuga "بروتكولات حكماء صهيون"

Buuggan waxa uu daah qaadaya oo uu ka warramayaa shirqoolada Yuhuudda iyo sida ay u qorsheeyeen in ay u fuliyaan qorshayaashooda qarsoodiga ah. Qodobada ku jira buuggan waxay gaarayaan ilaa 40 qodob iyo ka badan, laakiin maadaama aynu wax soo koobno uun, waxa aynu ka soo qaadanaynaa 18 qorshe oo ka mid ah shirqooladooda ugu halista badan.

Qodobka 1: Qorshaha Caalamiga ah

Qodobkan waxa uu ku saabsan yahay sidii Yuhuuddu ay u qabsan lahaayeen dunida iyaga oo adeegsanaya xeelado kala duwan oo lagu wiiqayo dowladaha iyo bulshooyinka. Waxan kamid ah inay ku dadaalaan in ay abuuraan kala qaybsanaan iyo fowdo si loo wiiqo nidaamyada siyaasadeed ee jira.

Qodobka 2: Gacan Ku Dhigida Dhaqaalaha

Qodobkan waxa uu xooga saarayaa sidii ay u heli lahaayeen awood dhaqaale oo ballaaran si ay u xukumaan dunida intii tabartooda ah (Ilen dunida Allah ayaa xakuma (SWT)). Yuhuudda waxay dejiyeen qorshe ah inay maamulaan bangiyada iyo dhaqaalaha caalamiga ah si ay ugu xukumaan bulshooyinka kale.

Qodobka 3: Gacan Ku Dhigida Warbaahinta

Yuhuuddu waxay xooga saareen in ay gacanta ku dhigaan warbaahinta si ay u faafiyaan dacaayado iyo xog khaldan oo lagu marin habaabinayo bulshooyinka kale. Warbaahinta ayay u arkeen yuhuudu in ay tahay aalad awood badan oo lagu xakameyn karo maskaxda dadka iyo hab fikir kooda, waana sax oo waa hubka ugu khatarsan ee manta la adeegsado.

Follow 🧚‍♂️ 👇
👉Ururka Samafalka ee Babul Khayr

Address

Addis Ababa
1234567MA

Telephone

+251924210929

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fiiri posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Restaurant

Send a message to Fiiri:

Share

Category